Raysulwasaaraihii hore Cumar Cabdirashiid oo xafiiska ku wareejiyay Raysulwasaaraha cusub Xasan Cali Khayre

Raysulwasaaraihii hore Cumar Cabdirashiid oo xafiiska ku wareejiyay Raysulwasaaraha cusub Xasan Cali Khayre. [Xigashada Sawirka: Radio Muqdisho]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Raysulwasaarihii hore ee dowladda federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa maanta oo Khamiis ah si rasmi ah xafiiska ugu wareejiyay Raysulwasaaraha cusub Xasan Cali Khayre.

Raysulwasaaraha cusub ayaa uga mahadceshay Raysulwasaarihii hore Cumar Cabdirashiid howshii uu soo qabtay mudadii uu xafiiska joogay.

“Waxaan u mahadcelinayaa si gaar ah walaalkey Cumar Cabdirashiid, waxaana leeyahay dalku kaama maarmo wixii talo iyo tusaalahaaga ahna waan qadarinayaa, waana inaad howsha qaranka sii wadaa adiga oo xil haya iyo adiga oo aan xil heyn.” Ayuu yiri Kheyre, isaga oo intaas ku daray inta uu soo dhisi doono xukuumad cusub, ay howsha sii wadi doonaan golaha wasiiraddii hore.

Baarlamaanka dowladda Soomaaliya ayaa shalay oo Arbaco ahayd meel-mariyay magacaabida Raysulwasaaraha cusub Xasan Cali Khayre oo uu dhawaan soo magacaabay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*