Xildhibaanad haween ah oo katirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ka badbaaday qarax wadada lagu aasay gudaha Muqdisho

Xildhibaanad haween ah oo katirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ka badbaaday qarax wadada lagu aasay gudaha Muqdisho. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Xildhibaanad haween ah oo katirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka badbaaday markii qarax wadada lagu aasay uu la kacay gaarigeeda gudaha Muqdisho caawa fiidkii, sida ay sheegeen ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah.

Sida ay sheegeen ilo-wareedyadu, ugu yaraan mid kamid ah ilaaladeeda ayaa ku dhaawacmay weerarka.

Ma jirto koox sheegtay in ay iyagu ka dambeeyaan, balse ururka hubaysan ee Al-Shabaab ayaa weeraro kan lamid ah qaaday.

Inta lagu guda jiray bishaan barakaysan ee Ramadaan, ammaanka ayaa aad loo adkeeyay gudaha caasimada si looga hortago weeraro argagixiso oo ka yimaada maleeshiyada.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*