Qaar katirsan madaxda Dowlad Goboleedyada oo isbahaysi cusub ku samaysan doona Baydhabo

Madaxweynayaasha Puntland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Garoowe-(Puntland Mirror) Qaar ka mid ah Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa in ay ku kulmaan Magaalada Baydhabo si ay uga qeyb galaan Caleemo Saarka Afaraad ee madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Xasan Laftagareen.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in madaxdan lagu wado inay sameystaan isbaheysi cusub, iyadoo xiriirka kala dhaxeeya madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud uu sii xumaanayo.

Madaxda shirka ka qeybgalaysa oo doonaysa isbahaysiga cusub ayaa waxaa kamid ah madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

Madaxweyne Laftagareen ayaa dhawaan safar saddex beri ah ku yimid Garoowe, halkaas oo uu kulan gaar ah oo aan warbaahinta loo sheegin ujeedkiisa iyo waxyaabaha ay ka wadahadleen uu kula yeeshay Madaxweyne Deni.

Khilaafka qeyb kamid ah madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Xasan Shiikh ayaa soo bilaabmay xilli hore gaar ahaan doorashadii Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasoo labo kamid ah madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada gaar ahaan Laftagareen iyo Qoorqoor ay xiriir dhow la lahaayeen madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo, halka Deni uu kamid ah musharixiintii u tartmayay madaxweynaha.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo horey uga mid ah isbahaysigii ka soo horjeeday Farmaajo ayaan la ogeyn in uu ka qeybgalayo is xulufaysiga cusub. Axmed Madoobe ayaa xiriir fiican la leh xukuumada Xasan Shiikh taasoo Raysulwasaare Xamse Cabdi Bare oo ay isku reeryihiin uu hayo xilka labaad ee ugu sareeya dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*