Puntland oo sheegtay in ay burburiyeen saldhigyo ay ISIS ku lahaayeen gobolka Bari

Taliyaha ciidamada difaaca Puntland Yaasiin Cumar Dheere. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Saldhigyo ay lahaayeen maleeshiyada ISIS ayaa la burburiyay waxaana la dilay tobonaan dagaalyahan howlgal ka socda deegaanka Balidhidin ee gobolka Bari, sida uu sheegay taliyaha ciidamada difaaca Puntland Yaasiin Cumar Dheere.

Howlgalka oo ay ka qeybgalayaan qeybaha kala duwan ee ciidamada Puntland ayaa soo bilaabmay dabayaaqadii bishii June.

Labo kamid ah ciidanada Puntland ayaa ku geeriyootay qarax miinada dhulka lagu aaso, sida uu sheegay taliyuhu.

Deegaanada uu howlgalku ka socdo ayaa saldhig u ahaa maleeshiyada ISIS ama Daacish tan iyo soo ifbaxeedii dabayaaqadii sanadkii 2015.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*