Mideeye oo saddex shuruudood ku xiray ka qeybgalka hanaanka dimuqraadiyada

Guddoomiyaha ururka Mideeye Daahir Xaaji Khaliif. [Sawir Hore]

Garoowe-(Puntland Mirror) Ururka Mideeye ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabullahi Deni inuu ka noqdo wax ka bedelka dastuuriga ah ee ay ansixiyeen baarlamaanka, kaasoo sababay rabshado ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Garoowe.

Waxa ay codsadeen in la siiyo dammaanad sifo sharci ah ku dhisan oo ku aadan hanaanka dimuqraadiyada, halkii ay ka ahaan lahaayeen mid ku saleysan ballan-qaadka gaarka ah ee madaxweynaha.

War-saxaafadeedka ayuu Mideeye ugu baaqay Madaxweynaha inuu aqbalo wada hadal uu la yeesho dhammaan dhinacyada ay khuseyso siyaasadda si loo qabto doorasho loo dhan yahay oo horseed u ah xasiloonida gobolka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*