Nin fududeeyay weerar lagu qaaday garoonka Muqdisho oo lagu xukumay dil toogasho ah

Maxamed Cabdulle Nuur Abkow. [Isha Sawirka: Radio Muqdisho]

Muqdisho-(Puntland Mirror) Maxkamada ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah xukun dil ah ku riday Maxamed Cabdulle Nuur Abkow oo lagu helay in uu fududeeyay weerar lagu qaaday garoonka Muqdisho.

Abkow oo 36 jir ah kaasoo kamid ahaa ciidamada milatariga Soomaaliya tan iyo xukuumadii Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa Al-Shabaab ku biiray sanadkii 2017, sida ay sheegeen masuuliyiinta maxkamada.

23-tii Maarso sanadkan 2022 ayuu ku geliyay gaarigiisa Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho laba dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab kuwaasoo halkaas ka sameeyay weerar dhiig ku daatay, waxaana maxkamada horteeda laga daawaday muuqaal ay duubtay CCTV garoonka kaasoo muujinaya Abkow oo labada nin gudbinaya, masuuliyiinta maxkamada ayaa intaas ku daray

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*