Puntland oo soo dhaweysay baaqa aqalka sare ee ah in la qabto shir wadatashi oo u dhaxeeya dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe

Sumada Puntland.

Garoowe-(Puntland Mirror) Dowladda Puntland ayaa soo dhaweysay baaqa guddoomiyaha aqalka sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ah in la qabto shir wadatashi oo u dhaxeeya dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland maanta oo Arbaco ah ayaa lagu sheegay in shirkaas la qabto ugu dambeyn 20-ka bishan June, 2020, wixii ka dambeeya xilligaas aysan Puntland qeyb ka noqon doonin.

“Dowladda Puntland waxay cadeynaysaa in aysan ka qeyb ka noqon doonin shir wadatashi oo qorsheysan kadib dhageysiga baarlamaanka federaalka ee guddiga doorashooyinka ee 27-ka June 2020,” sidaa ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Puntland ayaa sidoo kale ka digtay in isku day muddo kororsi oo hareer marsan dastuurka ay sameeyaan masuuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*