Odayaasha dhaqanka gobolka Nugaal oo ciidamada gadoodsan ee Puntland u jeediyay in ay ka baxaan kantaroolka koonfureed ee magaalada Garoowe

Odayaasha dhaqanka gobolka Nugaal oo ciidamada gadoodsan ee Puntland u jeediyay in ay ka baxaan kantaroolka koonfureed ee magaalada Garoowe. [Sawirka: Archive]
Odayaasha dhaqanka gobolka Nugaal oo ciidamada gadoodsan ee Puntland u jeediyay in ay ka baxaan kantaroolka koonfureed ee magaalada Garoowe. [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Odayaasha dhaqanka gobolka Nugaal ayaa u jeediyay ciidamada gadoodsan ee Puntland in ay ka baxaan kantaroolka koonfureed ee magaalada Garoowe halkaas oo ay qabsadeen saddex beri kahor.

Shir guud oo ay maanta oo Sabti ah ku yeesheen gudaha caasimada Puntland ee Garoowe, odayaasha dhaqanka gobolka oo saxaafadda la hadlay ayaa si xoogan uga soo horjeestay falka ay sameeyeen ciidamada oo ay ku qabsadeen kantaroolka magaalada oo ah midka isku xira gobolada koonfurta iyo waqooyiga Soomaaliya.

Odayaasha dhaqanka ayaa carabka ku adkeeyay in falka ay ciidamadu sameeyeen uu lidi ku yahay dowladnimada iyo ammaanka Puntland ay ku naaloonaysay muddo ka badan 18-sanno.

Ciidamada ayaa wali haysta kantraoolka koonfureed ee magaaladaGaroowe, sida ay wariyeyaasha warsidaha Puntland Mirror soo arkeen.

Dhawaan waresyi uu siiyay laanta Af-Soomaaliga ee VOA mid kamid ah saraakiisha ciidamada qabsaday kantaroolka, ayuu ku sheegay in ay u qabsadeen kantaroolka sababtoo ah muddo badan oo aysan helin wax mushahaar ah.

Tan iyo sanadkii 2014-kii magaalooyinka Puntland oo ay ku jirto caasimadu ayaa goobjoog u ahaa mowjado gadood ah oo ka dhashay mushahaar la’aanta iyo duruufo kale oo haysta ciidamada.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*