Puntland oo noqotay meesha ugu weyn ee hubka sharci darada ah uu ka galo Soomaaliya

Ciidamada badda Puntland oo daboolka ka qaadaya hub lagu qabtay dooni xeebta Boosaaso, bishii September 23, 2017. [Sawirka: Reuters]
Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland ayaa ah meesha ugu weyn ee hubka sharci darada ah uu ka galo Soomaaliya, sida ay warbixin ku sheegeen kooxda dabagalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Eriteeriya.

Warbixinta oo bishaan Novermber 7-dii la sii daayay, ayaa kormeerayaashu ku sheegeen in ganacsato si weyn loo yaqaan oo jooga magaalada Boosaaso ay ku lug leeyihiin ganacsiga sharci darada ah ee hubka.

Inta badan hubka ayaa ka yimaada dalka Yeman, halkaas oo ay joogaan shakhsiyaad xiriir la leh ganacsatada hubka ee Boosaaso, sida warbixinta lagu sheegay.

Diiwaan maaliyadeed ay heleen dabagalayaashu ayaa muujinaya in labo kamid ah ganacsatada hubka ee fadhigoodu yahay Boosaaso ay $160,000 dollar u xawileen Yeman intii u dhaxeysay bishii September 2017 ilaa March 2018 si loogu soo iibiyo noocyada hubka.

Sanadihii dhawaa ee lasoo dhaafay, ciidamada Puntland ayaa qabtay dhowr doonyood oo wada hub ka yimid Yeman.

Hubkii ugu dambeeyay ayaa la qabtay bishii September 2017, markii ciidamada badda Puntland ee PMPF ay qabteen dooni ay saaranyihiin kiishash hub ah oo ka yimid Yeman. Ilo-wareed lagu kalsoonaan karo ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in hubkaas la sii daayay kadib markii nin ganacsatada deegaanka ah ku andacooday in uu isagu leeyahay.

Waxaa laga cabsi qabaa in hubka uu ku dhici karo gacanta argagixisada sida Al-Shabaab iyo Daacish kuwaasoo ku sugan gobolka.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cunoqabateynta hubka saaray Soomaaliya sanadkii 1991 markaas oo dalku galay dagaal sokeeye.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*