Madaxweynaha Puntland oo u hambalyeeyay Axmed Madoobe

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa u hambalyeeyay Axmed Maxamed Islaam oo loo doortay madaxweynaha Jubbaland.

“Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaca goleyaasha dowladda iyo shacabka waxa uu hambalyo u dirayaa madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo maanta lagu doortay magaalada Kismaayo. Wuxuuna ugu baaqay madaxweynaha cusub in uu ka shaqeeyo in khilaafka gudaha Jubbaland lagu dhammeeyo wadahadal.” Ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada maanta oo Khamiis ah.

Puntland ayaa baaq u jeedisay maamulka Jubbaland iyo dowladda federaalka Soomaaliya in ay dhammeeyaan khilaafka ka dhex jira, war-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray.

Axmed oo loo yaqaan Madoobe ayaa maanta oo Khamiis ah baarlamaanka Jubbaland u dorteen madaxweynaha afarta sanno ee soo socota. Waxa uu maamulka Jubbaland hoggaaminayay tan iyo sanadkii 2013.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*