Puntland oo daawooyin iyo dhaqaatiir caafimaad geysay Muqdisho

Sawirka: Masuuliyiin ka socda dowladda federaalka oo deeqda ka guddoomaya wefdiga Puntland.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Puntland ayaa daawooyin iyo dhaqaatiir caafimaad maanta oo Arbaco ah geysay magaalada Muqdisho si looga qeyb qaato gurmadka dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Muqdisho.

Afartan oo daawo ah iyo toban qof oo isugu jira dhaqaatiir iyo kalkaaliyaal ka socda Puntland ayaa maanta gaaray Muqdisho.

Masuuliyiin ka socday dowladda federaalka oo uu kamidyahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Siciid Juxa, Wasiiradda Caafimaadka Foowsiyo Abiikar Nuur iyo guddoomiyaha Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa guddoomay gurmadka ka yimid Puntland oo uu wadday Wasiirka Caafimaadka Puntland Cabdinaasir Cusmaan Cuuke.

Puntland ayaa noqonaysa maamulkii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed oo deeq geysa Muqdisho si looga qeyb qaato gurmadka dadkii waxyeeladu kasoo gaartay qaraxii Sabtida ka dhacay Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*