Roobaab la saadaaliyay in ay ka da’aan Puntland

Khariidada saadaasha roobka. [Xigasho: IMC]

Garoowe-(Puntland Mirror) Roobab ayaa la filayaa in ay ka da’aan qeybo kamid ah deegaanada Puntland asbuucaan, sida ay sheegtay saadaasha Xarunta Maareynta Xogaha Kheyraadka Biyaha Puntland ee IMC.

Xaddiga roobabka lafilayo ayaa u dhaxayn kara (40 – 100) mm. Degmooyinka Qardho, Ceerigaabo iyo Qandala ayaa la filayaa inuu gaaro in kabadan (250) mm sida ka muuqata khariidadda Saadaasha roobka, sida ay sheegtay IMC.

IMC ayaa uga digtay dhamaan bulshada ku nool degmooyinka Qardho, Ceerigaabo, iyo Qandala gaar ahaan buuraha Cal-miskaad ee u dhexeeya Ufayn iyo Qandala inay taxadar dheeriya muujiyaan maalmaha soo-socda, maadaama roobabka ay sababi karaan daadad iyo isu-socodka oo hakad gala.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*