Deg Deg: Weerar qarax gaari ah oo lala eegtay huteel Naasahablood oo ku yaala Muqdisho

Muqdisho-(Puntland Mirror) Gaari walxaha qarxa laga soo buuxshay ayaa goor dhoweyd waxaa lala eegtay albaabka hore Huteel Naasahablood ee magaalada Muqdisho.

Dhawaaqa qaraxa ayaa laga maqlay xaafadaha kala duwan ee magaalada Muqdisho, caaismada Soomaaliya.

Warbaahinta maxaliga ah ee Muqdisho ayaa sheegtay qaraxa kadib in koox hubaysan ay gudaha u galeen huteelka.

Huteel Naasahablood ayaa ku yaala isgoyska KM4.

Wixii soo kordha deg deg baan idiin kusoo gudbinaynaa.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*