Madaxweynaha Puntland oo magacaabay guddoomiyaha maxkamada sare ee ciidamada

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Maxamuud Cabdi Maxamed u magacaabay guudoomiyaha maxkamada sare ee ciidamada.

Cawil Jaamac Nuur ayaa sidoo kale loo magacaabay guddoomiye ku xigeenka maxkamada sare ee ciidamada, sida lagu sheegay digreeto ka soo baxday xafiiska madaxtooyada maanta oo Sabti ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*