Koonfur Kuuriya oo ciidamo cusub u soo dirtay badaha Soomaaliya

Markab ay leeyihiin ciidamada badda Koonfur Kuuriya. [Isha Sawirka: Yonhap]
Seoul-(Puntland Mirror) Dalka Koonfur Kuuriya ayaa u soo dirtay ciidamo cusub badaha Soomaaliya si ay halkaas uga sameeyaan howlgal lagula dagaalamayo burcadbadeeda, sida ay ku warantay wakaalada wararka Yonhap.

Ciidanka ayaa qorshuhu yahay in galabnimada Isniinta ay ka tagaan magaalo xeebeedka koonfureed ee Busan si ay howlgal ka dhan ah burcadbadeeda ay uga geystaan xeebaha Soomaaliya muddo lix bilood ah oo ka bilaabmi doonta bisha soo socota ee September, sida Yonhap ay ka soo xigatay saraakiisha ciidamada badda ee Koonfur Kuuriya.

Ciidanka oo ku hubeysan markab dagaal oo ay saaranyihiin kooxo kala duwan oo ciidamada badda ah ayaa ujeedku yahay difaacida doonyaha iyo maraakiibta laga leeyahay Koonfur Kuuriya ee gooshaya biyaha gobolka iyo taageerida maraakiibta dalalka kale ee maraya biyaha u dhow badda Soomaaliya, wakaalada ayaa intaas ku sii dartay.

Sanadihii lasoo dhaafay, burcadbadeeda ayaa hoos u dhacday kadib markii ciidamo badeed ajanbi ah iyo kuwa badda Puntland ay kaalin muhiim ah ka ciyaareen la dagaalanka burcadii ka howlagali jirtay biyaha Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*