Garoowe-(Puntland Mirror) Dowlada Puntland ayaa caawa oo Sabti ah ku dhawaaqday liiska xubnaha aqalka sare ee u matalaya dowlada federaalka Soomaaliya.
Xubnaha oo ka kooban 11 xubnood ayaa waxaa la tartamaya 11 xubood oo kale.
Liiska tartamaayasha
-
Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, waxaa la tartamaya Aamino Aadan Cabdulaahi.
-
Yaasiin Cabdi Seed, waxaa la tartamaya Saynab Xaashi Biixi.
-
Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole), waxaa la tartamaya Cabdimahdi Abshir Cismaan.
-
Siciido Xasan Cismaan, waxaa la tartamaya Axmed Maxamed Cabdile (Tigaana), Siciid Maxamuud Aadan iyo Maxamed Maxamuud Cali Bile.
-
Hodan Maxamuud Cismaan, waxaa la tartamaya Axmed Maxamed Maxamuud, Caydiid Saleebaan Xaashi iyo Axmed Maxamed Faarax.
-
Cabdirisaaq Cismaan Xaashi (Jurile), waxaa la tartamaya Hodan Ismaaciil Cilmi.
-
Maxamuud Axmed Maxamed, waxaa la tartamaya Faadumo Siciid Maxamed.
-
Mahad Cabdalla Cawad, waxaa la tartamaya, Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan) iyo Maxamuud Cali Siciid.
-
Cabdixakiin Axmed Xaashi, waxaa la tartamaya, Mahad Daahir Shiikh Nuur iyo Cabdikhadar Faarax Shaaciye.
-
Cali Ismaaciil Cabdi Giir, waxaa la tartamaya Shukri Cabdilaahi Maxamuud iyo Faarax Cali Xuseen.
-
Cabdisalaam Xaaji Maxamed Dheere, waxaa la tartamaya Siciid Maxamed Cali iyo Faarax Cawad Jaamac.
Hoos ka dhagayso afhayeenka madaxtooyada Puntland Cabdulaahi Maxamed Jaamac (Quraan-jacel) oo ku dhawaaqaya magacyada xubhana.
22-ka xubnood ayaa la filayaa in ay dhawaan hortagaan baarlamaanka Puntland si ay u kala saaraan oo ay u doortaan 11-ka xubnood ee Puntland u matali doona aqalka sare ee faderaalka.