Ugu yaraan saddex qof oo ku dhimatay qaraxyo ka dhacay Muqdisho

Qaraxyo hore oo ka dhacay Muqdisho. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Labo qarax ayaa caawa oo Jimce ah ka dhacay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana qaraxyadaas daba socday rasaas, ugu yaraan saddex qof ayaa ku geeriyooday, sida uu sheegay sargaal katirsan booliiska.

Qaraxa kowaad ayaa loo maleynayaa in uu sababay qof isa soo miidaamiyay, waxaana uu ka dhacay meel u dhow xarunta haayada sirdoonka ee NISA, sida wakaalada wararka ee AP uu u sheegay Kabtan Maxamed Xuseen oo katirsan ciidanka booliiska.

Sargaalka ayaa sheegay in qaraxa labaad uu ka dhacay meel u dhow xarunta baarlamaanka, halkaas oo ciidamada ammaanka ay ku joojiyeen niman hubeysan oo looga shaki qabo in ay isku dayayeen in ay weerar ku qaadaan xarunta madaxtooyada. Gaariga ay wateen nimanka hubeysan ayaa isku dayay in uu xawaare sare ku dhaafo bar kantarool ku dhow xarunta baarlamaanka.

Qaraxyadan ayaa imaanaya hal maalin kadib markii Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya uu ka digay in qaraxyo baabuur laga soo buuxshay ay ku suganyihiin Muqdisho.

Ma jirto cid si dhaqso ah u sheegatay masuuliyada weeraradaas, balse xilliyadii lasoo dhaafay xagjiriinta Al-Shabaab ayaa qaraxyo dhimasho badan dhaliyay ka geysatay Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*