Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, Raysulwasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn iyo Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata ayaa goor dhoweyd tagay magaalada Muqdisho, sida ilo-wareedyo diblomaasiyadeed ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.
Marti sharaf kale oo badan oo ka kala yimid caalamka ayaa ka qaybgalaya munaasabada caleemo-saarka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka dhacaysa goobta la dhaho Afisyoone ee gudaha Muqdisho, halkaas oo baarlamaanka Soomaaliya ay Farmaajo ugu doorteen Madaxweynaha dalka labo asbuuc kahor.