Raysulwasaaraha Soomaaliya oo sheegay in shirka asbuuclaha ah ee golaha wasiiradda uu ka dhici doona magaalo xeebeedka Kismaayo

Raysulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre. [Xigashada Sawirka: Radio Muqdisho]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Shirka asbuuclaha ah ee golaha wasiiradda Soomaaliya ayaa ka dhici doona magaalo xeebeedka Kismaayo, sida uu sheegay Raysulwasaaraha Soomaaliya.

Isaga oo wariyeyaasha kula hadlayay gudaha Muqdisho, Raysulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in shirka golaha wasiiradda uu ka dhici doono magaalo xeebeedka Kismaayo ee maamul goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya.

Ujeedada ayaa ah xoojinta xiriirka u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada, sida uu sheegay Raysulwasaaruhu.

Shirka ayaa lagu qaban doonaa Kismaayo maalinta Khamiista, dhammaan wasiiradda ayaa la filayaa in ay ka qeybgalaan.

Sidoo kale, shirarka xiga ee golaha wasiiradda Soomaaliya ayaa la filayaa in lagu qabto caasimadaha Dowlad Goboleedyada Soomaaliya, Raysulwasaaraha ayaa intaas ku daray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*