Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya oo ku tilmaamy ‘masuuliyad daro’ hadalkii Raila Odinga uu ku sheegay in maamulka Somaliland la aqoonsado

 

Jamaal Xasan
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Jamaal Xasan.

Nairobi-(Puntland Mirror) Soomaaliya ayaa si caro leh uga jawaabtay hadalkii hoggaamiyaha xisbiga Cord ee Kenya Raila Odinga, oo uu ku sheegay in beesha caalamka aqoonsato maamulka Somaliland ee waqooyiga Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Jamaal Xasan ayaa ku tilmaamay hadalka Raila Odinga mid masuuliyad daro ah oo dhawacaya midowga dhuleed ee Soomaaliya.

Raila ayaa hadalkaas uu ku taageeray in si buuxda loo aqoonsado maamulka Somaliland ka sheegay machadka Chattam House ee London.

“Si buuxda ayaan taageero ugu ahay aqoonsiga Somaliland. Waxaan u malayn in ay jiraan dhacdooyin adag.” Sidaa ayuu yiri Raila xilli su’aalo la weydiinayay isagoo ku sugan machadka.

Laakiin safiir Jamaal ayaa diiday hadalka Raila isagoo yiri: “Hadalkaas wuxuu ahaa mid dhadhan kharaar. Wuxuuna su’aalo ka dhalinayaa midowga dhulka Soomaaliya.”

“Siyaasada Soomaaliya waa in looga dameeyaa Soomaalida. Siyaasiyiinta waa in ay ka waantoobaan arrimaha kuwaasoo kale ah.” Ayuu safiir Jamaal.

Sidoo kale jawaab lagu daabacay Twitter-ka safaarada Soomaaliya ee Kenya ayaa lagu sheegay in hadalka Raila uu sababi karo “bur-bur”.

Maamulka Somaliland oo caasimadoodu tahay Hargeysa ayaa sheegta in ay Soomaaliya ka go’een sanadkii 1991-dii, balse wali caalamka kama aysan helin aqoonsi, waxaana lagu tixgeliyaa in ay tahay maamul goboleed Soomaaliya katirsan.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*