Nin mayd ah oo laga helay baraak biyood kutaala degmada Buurtinle – Sawiro

Mayd
Maydka ninka oo ku dhex jira baraak biyood.

Garoowe-(Puntland Mirror) Nin mayd ah oo aan la aqoonsan ayaa saakay oo Talaado ah laga helay baraak biyood kutaala degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal, sida ay sheegeen ciidamada booliska iyo dadka deegaanka.

Ninka ayaa laga soo saaray maydkiisa baraakta kadib markii dadka deegaanka ay kusoo wargeliyeen maamulka degmada Buurtinle.

Ninka ayaa lagu qiyaasay da’diisa ilaa iyo 35-sanno jir, ilaa iyo haddana lama aqoonsan.

Mayd2
Maydka ninka oo baraakta gudaheeda laga soo saaray.

Sidoo kale lama oga sababta keentay dhimashadiisa, mana jirto wax dhaawac ah oo jirkiisa laga helay.

Taliye ku-xigeenka booliiska degmada Buurtinle, Maxamuud Muuse Bile (Farda-fuul) oo la hadlay warsidaha Puntland Mirror ayaa sheegay in ay wali ku jiraan baaritaan.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*