Shiikh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo lagu dilay qarax ka dhacay Kismaayo

Shiikh Cabdinaasir Xaaji Axmed.[Sawir Hore]
Kismaayo-(Puntland Mirror) Shiikha caanka ahaa ee fadhigiisu ahaa magaalada Laas-caanood ee Shiikh Cabdinaasir Xaaji Axmed ayaa maanta oo Talaado ah lagu dilay qarax lagula eegtay magaalada Kismaayo ee maamul goboleedka Jubbaland, sida ay sheegeen xubno katirsan qoyskiisa.

Shiikha ayaa Kismaayo u joogay arrimo la xiriira dacwada, ilo-wareedyada ayaa intaas ku daray.

Shiikh Cabdinaasir ayaa kamid ahaan jiray saraakiishii hore ee ugu waa-weynayd ururkii Al-tixaad Al Islaami.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkaas, balse maleeshiyada Al-Shabaab ayaa horey u bartilmaameedsatay xubno badan oo katirsan culimada kasoo horjeeda fikirkooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*