Diyaaradaha dagaalka ayaa duqeynta la beegsaday saakay oo Khamiis ah deegaanka Wataxa-Dhobley oo u dhow magaalada Buu’aale ee Jubbada Dhexe.
Ma jirto wax warbixino ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay weerarka ilaa iyo hadda.
Ma jirto dal sheegtay masulliyada duqayntaas, laakiin diyaaradaha dagaalka Mareykanka iyo kuwa Kenya ayaa duqeymo joogto ah ka geystay meelaha ay Al-Shabaab ku xooganyihiin ee koonfurta Soomaaliya.