Puntland oo sii daysay nabadoon Cabdiqaadir Xarago kadib labo asbuuc oo xabsi ah

Nabadoon Cabdiqaadir Ibraahim Xarago. [Sawirka: Archive]
Nabadoon Cabdiqaadir Ibraahim Xarago. [Sawirka: Archive]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Nabadoon Cabdiqaadir Ibraahim Xarago oo ku xirnaa xabsiga Boosaaso muddo ka badan labo asbuuc, ayaa la sii daayay, sida ilo-wareedyo dolwadda katirsan u xaqiijiyeen warsidaha Puntland Mirror.

Nabadoon Xarago ayaa laga xiray gurigiisa oo kuyaala magaalada Boosaaso 25-kii bishii lasoo dhaafay ee Fabaayo kadib markii uu wareysi siiyay idaacada Voa-da qaybteeda Af-soomaaliga kaasoo uu dowladda Puntland ku eedeeyay in ay jir dil u geysato maxaabiista Al-Shabaab ee ku jirta xabsiga Boosaaso si ay u qirtaan dambiyadooda.

Asbuucii lasoo dhaafay, isaga oo la hadlayay idaacada VOA qaybta Af-Soomaaliga Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa qaadacay  eedaymaha sheegaya in Puntland ay jirdil u geysato maxaabiista ku jira xabsiyada

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*