Ciidamada ammaanka Puntland oo howlgalo amniga lagu sugayo ka bilaabi doona gudaha Garoowe

Ciidamo isku-dhaf ah oo katirsan Puntland. [Sawirka: Puntland Mirror]
Ciidamo isku-dhaf ah oo katirsan Puntland. [Sawirka: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamada ammaanka Puntland ayaa la filayaa in ay howlgal qorshaysan ka sameeyaan gudaha Garoowe oo lagu ugaarsanayo shakhsiyaadka dhibaatada ku haya amniga magaalada, sida uu sheegay masuul dowladda katirsan.

Isaga oo la hadlayay wariyeyaasha shalay oo Talaado ahayd, wasiirka amniga Puntland, Cabdi Xirsi Cali Qarjab, ayaa sheegay in ujeedka howlgalku uu yahay sidii loo hagaajin lahaa ammaanka loolana dagaalami lahaa waxa uu ugu yeeray kuwo khakhal gelinaya ammaanka magaalada.

Ciidamada milatariga ayaa ka qayb qaadan doona howlgalka magaalada, sida uu sheegay Qarjab.

Howlgalka ayaa imaanaya kadib markii rasaasta qoryaha oo ay keentay muranada dhulka laga maqlay magaalada intii lagu guda jiray maalmihii dhawaa ee lasoo dhaafay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*