Ugu yaraan shan askari oo katirsan Puntland oo ku dhimatay weerar lagu qaaday saldhig ciidan oo kuyaala Buuraha Galgala

Saldhig ay ciidamada PMPF ku leeyihiin Buuraha Galgala. [Sawirka]
Garoowe-(Puntland Mirror) Saldhig ay leeyihiin ciidamada Puntland ayaa fiidkii xalay oo Sabti ahayd la weeraray, ilo-wareedyo ayaa u xaqiijiyay warsidaha Puntland Mirror.

Ugu yaraan shan askari oo katirsan Puntland ayaa ku dhimatay weerarka oo socday dhowr saacadood, ilo-wareedyo milatari, kuwaasoo codsaday in aan magacooda la sheegin, ayaa u sheegay Puntland Mirror.

Saldhiga ayaa kuyaala deegaanka Bali-khadar ee Buuraha Galgala, sida ilo-wareedku sheegeen.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas, sida warbaahinta xiriirka la leh Al-Shabaab ay ku warameen.

Saldhiga la beegsaday ayaa waxaa leh ciidamada badda Puntland ee PMPF, sida aanu kasoo xiganay ilo-wareedka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*