Erdogan oo wacad ku maray in Turkigu uu dhinac taaganyahay Qatar

Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan. [Xigashada Sawirka: Reuters]
Istanbul-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa ka codsaday in si buuxda Qatar looga qaado xayiraada uu hoggaaminayo Sucuudigu, isaga oo sheegay in Sucuudi Caraabiya looga baahanyahay in ay sameyso walaalnimo.

Erdogan ayaa sheegay in godoominta Qatar aysan xal u keeni karin dhibaatooyinka gobolka waxaana uu wacad ku maray in uu sameyn doono wax walba oo awoodiisa ah si gacan looga geytso loona soo afjaro xasarada gobolka ka jirta.

“Kama aanu tagayno walaalaheen Qatar,” Erdogan ayaa sidaas u sheegay xubno katirsan xisbigiisa AK kadib munaasabad afur ah oo ka dhacday shalay oo Jimce ahayd gudaha magaalada Istanbul.

“Sidoo kale waxaan codsi gaar ah u dirayaa maamulka Sucuudiga. Waxaad tihiin dowladda ugu balaaran uguna xooga weyn gudaha Khaliijka. Waxaan idiin ku yeernaa Difaacaha Dhulka Barakaysan. Waa in aad ka shaqaysaan walaalnimo, maya colaad.” Ayuu yiri Erdogan.

“Waxaan sheegayaa waa in gebi ahaanba la qaadaa cunaqabataynta.” Ayuu ku daray.

Asbuucii hore, baarlamaanka Turkiga ayaa meel mariyay sharci u ogolaanaya in ciidamadooda la geeyo saldhiga milatari ee uu Turkigu ku leeyahay gudaha Qatar.

Turkiga ayaa ah saaxiib muhiim ah oo ay leedahay Qatar waxaana uu ka sameystay saldhig milatari gudaha Qatar sanadkii 2014-kii, Qatar ayaa sidoo kale waxaa kuyaala saldhiga ugu weyn ee ciidamada cirka Mareykanku ay ku leeyihiin Bariga Dhexe.

Bilowgii asbuucii lasoo dhaafay, Sucuudi Caraabiya, Masar, Baxrayn, Yemen iyo Isutaga Imaaraatka Carabta ayaa xiriirka diblomaasiyadeed u jaray Qatar, iyaga oo ku eedeeyay in ay taageerto ururo argagixiso oo ka jira gobolka, balse Qatar waa ay diiday eedaymahaas.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*