Baarlamaanka DFS oo ansixiyay golaha wasiiradda cusub

Xildhibaanada DFS. [Isha Sawirka: Facebook]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Golaha xildhibaanada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah ansixiyay golaha wasiiradda cusub ee uu soo magacaabay Raysulwasaare Xamse Cabdi Bare.

Kullanka oo ay soo xaadireen 23 ayaa 229 xildhibaan aqbaleen golaha wasiiradda halka todobo xildhibaan oo kale ay qaadaceen, sida uu sheegay afhayeenka baarlamaanka Shiikh Aadan Maxamed Madoobe.

Caqabadaha ugu waa-weyn ee golaha wasiiradda cusub ay wajahayaan ayaa waxaa kamid ah abaarta deba dheeraatay oo dalka ka jirta iyo maleeshiyadda Al-Shabaab, oo muddo ka badan toban sanno dagaal ka wada dalka kuyaala Geeska Afrika.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*