Shirka London ee Soomaalida oo ka furmay gudaha magaalada London

Shirka London ee Soomaalida oo ka furmay gudaha magaalada London. [Sawirka: Twitter]
London-(Puntland Mirror) Shirka Soomaalida ee London ayaa maanta oo Khamiis ah ka furmay gudaha magaalada London.

Shirka oo hal maalin socon doona ayaa waxaa ka qeybgalaya marti sharaf oo uu kamidyahay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, Raysulwasaaraha Turkiga Binali Yildrim iyo si lamid ah madaxweynayaasha wadamada Kenya iyo Uganda.

Hoggaamiyaasha siyaasadda Soomaalida oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa goobjoog ka ah shirka.

Shirka ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa ajanadayaasha ay kamidyihiin ammaanka, siyaasadda, dhaqaalaha iyo insaanimada.

UK ayaa martigelinaya shirka waana shirkii labaad muddo lix sanno ah, kii ugu dambeeyay ayaa lagu qabtay London sanadkii 2012.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*