Maleeshiyada ISIS oo boobaysa xoolaha gobolka Bari

Hoggaamiyaha maleeshiyada ISIS ee Puntland Cabdiqaadir Muumin. [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Xoolo dhaqatada ku dhaqan gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegay in maleeshiyada ISIS ay bilowday in ay dhacdo xoolahooda.

Idaacada maxaliga ah ee Radio Garoowe ayaa soo xigatay qof xoolo dhaqato ah oo magaciisa qariyay oo sheegaya in maleeshiyada ay dhaceen boqolaal xoolo ah intii lagu guda jiray maalmihii lasoo dhaafay.

Xoolo dhaqatada ayaa ka codsatay dowladda Puntland in ay ka difaacdo maleeshiyada kuwaas oo boob ku haya hantidooda.

Bishii lasoo dhaafay, ugu yaraan shan qof ayaa lagu dilay kadib markii ay isku dhaceen maleeshiyo deegaanka ah iyo dagaalyahanada ISIS gudaha gobolka Bari.

Maleeshiyada ayaa ka goosatay Al-Shabaabta buuraha Galgala waxayna ku biireen ISIS sanadkii 2015.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*