Puntland oo sheegtay in dad ku dhow 10 qof ay ku dhinteen roobab mahiigaan ah

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ku dhawaad 10 qof ayaa ku geeriyootay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay Puntland, sida ay sheegeen masuuliyiintu.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo shir jaraaid ku qabtay Garoowe maanta oo Axad ah ayaa sheegay in sagaal qof ay ku geeriyoodeen roobabka ka da’ayay gudaha Puntland labadii maalmood ee u dambeeyay.

Sidoo kale in ka badan boqol qoys oo reer guuraa ah ayaa ku xoolo waayay roobabkaas, wasiirka ayaa intaas ku daray.

Daadad ay sababeen roobabku ayaa burburiyay 17 waddo oo ay ku jirto laamiga u dhaxeeya Garoowe iyo Boosaaso, kaasoo aad muhiim ugu ah isku socodka dadka iyo dhaqaalaha deegaanada Puntland.

Meelaha ugu daran ee roobabka maahigaanka ah ay saameeyeen ayaa ah gobolada Nugaal, Karkaar iyo qeyb kamid ah Sanaag.

Dhabancad ayaa haayadaha gargaarka ka codsatay in ay si deg deg ah gurmad ula gaaraan dadka ku waxyeeloobay roobabka, kuwaasoo aan heysan cuno ku filan iyo hoy.

Waa khasaarihii ugu badnaa oo roob ka dhasha gudaha Puntland tan iyo dabayaaqadii sanadkii 2013, markaas oo roobab duufaano wata ay ku dhinteen dad ka badan 100 qof, ayna ku naf waayeen xoolo aad u badan, sidoo kalena daadad roobkaas ka dhashay uu jaray buunada Midigar ee u dhaxeysa magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*