Xildhibaanada cusub ee golaha deegaanka degmada Garoowe oo la dhaariyay

Dhaarinta xildhibaanada golaha deegaanka Garoowe, August 28, 2018. [Sawirka: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Xildhibaanada cusub ee golaha deegaanka degmada Garoowe ayaa la dhaariyay maanta oo Talaado ah, sida ilo-wareedyo ay sheegeen.

Ku dhawaad 18 xildhibaan oo kamid ah 27-ka golaha deegaanka magaalada ayaa la dhaariyay saakay oo Talaado ah, sida ilo-wareedyo ka ag-dhow doorashada ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Sagaalka xubnood oo kale ayaa la filayaa in la dhaariyo saacadaha soo socda, taasoo ka dhigaysa in doorshada duqa la qaban doono dhawaan.

Asbuucaan horaantiisa ayaa la filayay in la qabto doorshada duqa degmada, balse dib ayay u dhacday sababo la xiriira khilaaf ka dhex jiray xulista qaar katirsan xubnaha golaha deegaanka.

Inta badan xubnaha golaha deegaanku waa dhallinyaro ku cusub siyaasadda.

Dumarka ayaa ilaa saddex xubnood ka helay golaha deegaanka degmada Garoowe.

Tartamayaasha duqa degmada

Labada musharax ee hadda u tartamaya duqa degmada Garoowe waa Axmed Siciid Muuse iyo Axmed Abshir Jaamac.

Halkaan ka akhriso warbixin kooban oo ku saabsan musharixiinta: http://puntlandmirror.net/doorashada-duqa-garoowe-maxay-yihiin-musharixiinta-tartamaya/

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*