Garoowe-(Puntland Mirror) Safiirka Finland u fadhiya Soomaaliya Erik Lundberg ayaa maanta oo Arbaco ah yimid magaalada Garoowe waxaana uu kulan la qaatay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
Kulanka ayaa looga wada-hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan Puntland iyo mashaariicda horumarineed ee dowladda Finland taageerto ee ka socda gudaha Puntland, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada.
Be the first to comment