Wefdi ka socda dalka Qatar oo yimid Muqdisho

Wefdiga ka socda dowladda Qatar oo yimid Muqdisho. [Sawirka: Radio Muqdisho]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Wefdi ka socda dalka Qatar ayaa maanta oo Talaado ah yimid caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, sida ay ku warantay idaacada dowladda ee Radio Muqdisho.

Wefidga oo uu hoggaaminayo Khalifa Jassim Al kuwari oo ah agaasimaha guud ee sanduuqa Qatar ee horumarinta ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyay masuuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya.

Wefdiga Qatar ayaa la kulmi doona Raysulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, waxayna ka wadahadli doonaan arrimo kala duwan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*