Ciidamada Puntland oo iska difaacay weerar ay Al-Shabaab ku qaaday saldhig ciidan oo kuyaala deegaanka Af-urur

Askari Puntland ah oo roondo ka haya buuralayda gobolka Bari. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamada Puntland ayaa iska difaacay weerar ay maleeshiyada Al-Shabaab ku soo qaadeen saldhig ciidan oo kuyaala deegaanka Af-urur ee gobolka Bari maanta oo Sabti ah, sida ilo-wareedyo katirsan haayadaha ammaanka ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror.

Weerarka ayaa ku bilaabmay madaafiic ay maleeshiyadu soo rideen, balse ciidamada dowladda ayaa ka hortagay iyagoona maleeshiyada dib ugu riixay goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen.

Weerarka ayaa ah kii ugu dambeeyay oo taxane ah oo maleeshiyada ay ku soo qaado deegaanka Af-urur sanadihii u dambeeyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*