Afar dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab oo lagu dilay duqeyn uu Mareykanku ka fuliyay gobolka Jubbada Hoose

Maleeshiyada Al-Shabaab. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Afar dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeyn uu Mareykanku ka fuliyay gudaha Soomaaliya.

Taliska Mareykanka ee Afrika, U.S. AFRICOM, ayaa bayaan ku sheegay in duqeyntu ay Isniintii ka dhacday meel u dhow deegaanka Araara ee gobolka Jubbada Hoose.

Bayaanka AFRICOM ayaa intaas ku daray in aysan jirin askar katirsan Mareykanka oo dhulka ku sugnaa intii uu weerarku socday, aysana jirin dad rayid ah oo ku dhintay ama ku dhaawacmay duqeynta.

Weerarkan ayaa qeyb ka ah duqeymo taxane ah oo Mareykanku uu geystay oo ka dhan ahaa maleeshiyada Al-Shabaab tan iyo sanadkii 2017, markaas oo maamulka Trump uu waaxda difaaca Mareykanka uu siiyay awood buuxda oo duqeymo ay uga fulin karaan gudaha Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*