Mareykanka oo qaaday duqeyntiisii ugu horeysay ee Soomaaliya sanadka 2020

Maleeshiyo Al-Shabaab ah oo gaari saaran. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Mareykanka ayaa qaaday duqeyntiisii ugu horeysay ee Soomaaliya ee sanadka 2020 isagoo bartilmaameedsaday maleeshiyada Al-Shabaab.

Duqeynta ayaa Jimcadii ka dhacday tuulada Bacaw oo kutaala gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay bayaan ku sheegeen taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), iyagoo intaas ku daray in wax shacab ah aysan dhibbaato ka soo gaarin.

Sanadkii tagay 2019, Mareykanka ayaa ku dhawaad 40 duqeymood ka geystay gudaha Soomaaliya oo uu la beegsaday maleeshiyada Al-Shabaab iyo Daacish, waxaana duqeymahaas ku dhintay tobonaan dagaalyahan.

Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha Soomaaliya sanadkii 2017 kadib markii Madaxweyne Donal Trump uu sheegay in koonfurta Soomaaliya ay tahay “goob colaadeed”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*