12 dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab oo lagu dilay duqeyn uu Mareykanku ka geystay duleedka Muqdisho

12 dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab oo lagu dilay duqeyn uu Mareykanku ka geystay duleedka Muqdisho. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in 12 dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab ay ku dileen duqeyn.

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa bayaan ku sheegay in duqeyntu ay Khamiistii ka dhacday meel 30 mayl koonfur-galbeed ka xigta Muqdisho.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in wax shacab ah aysan dhib kasoo gaarin duqeynta.

Mareykanka ayaa ugu yaraan 15 weerar oo duqeyn ah oo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab ka geystay gudaha Soomaaliya sanadkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*