Boosaaso-(Puntland Mirror) Maxkamada ciidamada Puntland ayaa maanta oo Isniin ah xukun dil ah ku riday todobo xubnood oo katirsan ururka Al-Shabaab.
Isaga oo saxaafada kula hadlayay magaalo xeebeedka Boosaaso, taliyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland Cabdifataax Xaaji Aadan ayaa ku dhawaaqay amarka kama dambaynta ah ee maxkamada.
Guddoomiye Cabdifataax ayaa sheegay in todobada nin ay qirteen in ay kamid ahaayeen ururka Al-Shabaab ayna ku lug lahaayeen dilal ka dhacay gudaha Puntland, kuwaasoo lagu bartilmaameedsaday saraakiil dowlada katirsanaa.
Magacyada todobada nin ee ay maxkamadu dilka toogashada ah ku xukuntay waxay kala yihiin:
- Nuuradiin Axmed Samatar Deerow, 20-sanno jir.
- Ayuub Yaasiin Cabdi, 32-sanno jir.
- Cali Ismaaciil Cali sidoo kale loo yaqaan “Cali Gaab” 20- sanno jir.
- Xasan Aadan Xasan, 22- sanno jir.
- Cabdixakiim Maxamed Aweys, 24- sanno jir.
- Maxamed Yaasiin cabdi, 17- sanno jir.
- Daauud Siciid Sahal, 18- sanno jir.
Waxaa todobadaas nin gudaha magaalada Boosaaso kasoo qabtay ciidamada ammaanka Puntland intii lagu guda jiray bilihii u dambeeyay, sida ilo-wareedyo ay u xaqiijiyeen warsidaha Puntland Mirror.
Bartamihii bishii June ee sanadkii lasoo dhaafay ee 2016-ka, maxkamada ciidamada Puntland ayaa 43 dagaalyahan oo Al-Shabaab ah ku xukuntay dil toogasho, kadib markii lagu helay in ay katirsanaayeen dagaalyahanada Al-Shabaab kuwaasoo ka qeybqaatay dagaalkii dhiiga badan ku daatay ee dhexmaray ciidamada dowladda Puntland iyo maleeshiyada Al-Shabaab bartamihii bishii Maarso ee isla sanadkaas, balse wali dilka toogashada ah lama fulin sida uu fahansanyahay warsidaha Puntland Mirror.