Diyaarado dagaal oo duqaymo la eegtay saldhigyada Al-Shabaab ee gobolka Shabeelaha Hoose

warplane
Diyaarad dagaal.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Diyaarado dagaal oo aan la aqoon cida iska leh ayaa duqaymo culus ka geystay deegaanka Toora-toorow ee gobolka Shabeelaha Hoose, sida ay sheegayaan dadka deegaanka.

Diyaaradaha ayaa bartilmaameedsaday saldhigyo ay maleeshiyada Al-Shabaab ku leeyihiin deegaankaas.

Sida ay sheegayaan wararku waxaa jira khasaaro ka dhashay duqaymaha.

Diyaaradaha Maraykanka ayaa inta badan duqaymo lidi ku ah kooxda Al-Shabaab ka geysta gudaha Soomaaliya.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*