Madasha Hoggaanka Qaran oo dib u dhigay fulinta doorashada 18-ka xubnood oo ay dhawaan ku kordhiyeen aqalka sare

Shirka madasha qaran
Hoggaamiyaasha siyaasadda Soomaaliya sidoo kale loo yaqaan (Madasha Qaran). [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Hoggaamiyaasha siyaasadda Soomaaliya sidoo kale loo yaqaan (Madasha Qaran) ayaa dib u dhigay fulinta doorashada 18-ka xubnood oo ay dhawaan ku kordhiyeen aqalka sare ee Soomaaliya, sida ay ku sheegeen bayaan ay soo saareen maanta oo Khamiis ah.

Madasha Qaran ayaa isku raacday in fulinta doorashada 18-kaas xubnood dib loo dhigo ilaa iyo inta laga dhameystirayo doorashada madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya.

Madashu ayaa sidoo kale isku raacday in wax-ka-beddel dastuureed lagu sameeyo qodobka 72-aad ee dastuurka dowladda federaalka Soomaaliya oo dhigaya in xubnaha aqalka sare ee DFS ay yihiin konton iyo afar (54), taasoo loo xilsaaray Raysulwasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke.

“Madasha Hoggaanka Qaran MHQ ayadoo tixgelineysa ajendooyinka culus ee Baarlamaanka Federaalku horyaal loona baahan yahay in laga horqaado wax walba oo carqaladeyn kara xilgudashadiisa, Madaxda Hogganka Qaranka waxay isku raaceen…….In fulinta doorashada sideed iyo tobankii (18) kursi ee madashu ku kordhisay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka dib loo dhigo ilaa iyo inta ay ka dhamaaneyso doorashada Madaxweynaha Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Madasha.

“In Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya codsi rasmi ah degdeg ugu diro Baarlamaanka Federaalka kana codsado in wax-ka-beddel dastuureed lagu sameeyo Qodobka 72-aad ee Dastuurka Federaalka oo xubnaha Aqalka Sare ee BFS oo hadda ah konton iyo afar (54) lagu kordhiyo sideed iyo toban (18) kursi oo tirada guud ee kuraasta Aqalka Sare la gaarsiiyo laba iyo toddobaatan (72) kursi, si loogu xalliyo cabashooyinka bulshada ka yimid lagana dhigo ajeendooyinka Baarlamaanka ee mudnaanta koowaad leh.” Ayaa lagu daray bayaanka Madasha kasoo baxay.

Go’aanka Madasha Hoggaanka Qaran  ayaa imaanaya dhowr maalin kadib markii Beesha Caalamka soo saareen bayaan ay kaga soo horjeedaan xubnaha cusub ee Madasha Qaran ay ku kordhisay aqalka sare 22-kii bishaan December.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*