Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse oo soo gaaray Garoowe

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse ayaa maanta oo Arbaco ah soo gaaray caasimada Puntland ee Garoowe.

Waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay wasiiro katirsan dowladda Puntland oo ay kamid ahaayeen wasiirka maaliayadda Xasan Shire Abgaal iyo wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.

Isaga oo saxaafadda la hadlay, Abshir waxa uu sheegay in uu hoggaaminayo wefdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya  oo hordhac u ah safar madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud uu ku imaanayo Puntland.

Wasiirka iyo wefdigiisa ayaa waxaa madaxtooyada ku qaabilay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cusmaan.

Madaxweyne Deni oo qaabilay wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Inta uu safarkiisa ku jooga Puntland, madaxweyne Xasan Shiikh ayaa kulamo la yeelan doona madaxda Puntland iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*