Turkiga oo dacweeyay 99 janaraal kadib afgembigii fashilmay

charged
Saraakiil ciidan oo lagu eedeeyay in ay ku lug leeyihiin afgembiga. Sawirka: AFP.

Ankara-(Puntland Mirror) Turkiga ayaa si rasmiya u dacweeyay 99 Janaraal iyo taliyeyaal sare oo ciidamada badda ah kuwaasoo la lala xiriirinayo afgembigii fashilmay ee dhacay asbuucii lasoo dhaafay.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa kulan deg deg ah ku la leh magaalada Ankara saraakiisha amaanka iyo golihiisa wasiirada, waxaana la filayaa in gelinka dambe ee maanta lasoo saaro bayaano cusub.

Ku dhawaad 250 qof oo shacab iyo askar isugu jirta ayaa ku geeriyooday isku-daygii afgembiga fashilmay oo habeenimadii Jimcadii lasoo dhaafay ka dhacay dalka Turkiga.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*