Turkiga oo sheegay in wadahadal lagu xaliyo muranka Qatar iyo xulufada Sucuudiga

Madaxweynah Turkiga Recep Tayyip Erdogan. [Xigashada Sawirka: Anadolu]
Ankara-(Puntland Mirror) Afhayeenka Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta oo Talaado ah u jeediyay wadahadal iyo wadashaqayn dhexmara dowladdaha khaliijka kadib markii qayb kamid ah ay xiriirka diblomaasiyadeed u jareen dalka Qatar.

Sucuudi Caraabiya, Masar, Baxrayn iyo Isutaga Imaaraatka Carabta ayaa xiriirka diblomaasiyadeed u jaray Qatar shalay oo Isniin ahayd, iyaga oo ku eedeeyay in ay taageerto ururo argagixiso oo ka jira gobolka, balse Qatar waa ay diiday eedaymahaas.

Ibrahim Kalin, afhayeenka Erdogan ayaa sheegay in dowladdaha xubnaha ka ah Golaha Iskaashiga Khaliijka kuwaas oo xiriir ganacsi la leh Turkiga, ay murankooda ku xaliyaan wadashaqayn iyo wadahadal, sida ay ku warantay wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu.

Afhayeenka ayaa sheegay in Madaxweyne Erdogan uu bilaabay dadaalo lagu qaboojinayo xiisada.

Erdogan ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani, Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, Amiirka Kuweit Sheikh Sabah al-Ahmad al-Jaber al-Sabah iyo Boqorka Sucuudiga Salman bin Abdulaziz Al Saud, sida ay ku warantay Anadolu oo soo xiganaysa ilo-wareedyo katirsan madaxtooyada Turkiga.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*