Afartan iyo sagaal qof oolagu dilay toogasho ka dhacday labo masaajid oo kuyaala dalka New Zealand

Dad dhaawac ah oo la saarayo baabuurta gurmadka deg-deg ah kadib weerarka. [Xigashada Sawirka: Mark Baker/AP]
Christchurch-(Puntland Mirror) Afartan iyo sagaal qof ayaa lagu dilay ugu yaraan 20 waa ku dhaawacmeen toogasho ka dhacday labo masaajid oo kuyaala magaalada Christchurch ee dalka New Zealand.

Raysulwasaaraha New Zealand Jacinda Ardern ayaa shir jaraaid ku sheegtay in toogashada ka dhacday masaajidka uu u muuqdo “weerar argagixiso” oo lasoo diyaarshay.

“Tani waxay noqon doontaa mid kamid ah maalamaha ugu murugada badan New Zealand,” ayay tiri.

Labada masaajid ee la bartilmaameedsaday ayaa kala ahaa Masaajidka Al Nuur oo kuyaala bartamaha Christchurch iyo masaajidka labaad oo kuyaala Linwood.

Qof goobjooge ah ayaa warbaahinta u sheegay in uu arkay nin qori sida oo qaba dhar madow iyo koofiyad oo soo galay qeybta dambe ee masaajidka Al Nuur kadibna uu rasaas ku furay dad halkaas ku tukanayay, waxaa la xaqiijiyay in halkaas ay ku dhinteen dad gaaraya 30 qof oo ciibaadeysanayay oo ay ku jireen caruur iyo haween.

Ciidamada booliiska ayaa sidoo kale cadeeyay in 10 qof ay ku dhinteen masaajidka kale ee la weeraray oo kuyaala deegaanka Linwood.

Booliiska New Zealand aya gacanta ku dhigay dhowr qof oo looga shaki qabo weerarka.

Waxa uu ahaa toogashadii ugu dhimashada badnayd ee ka dhacda dalka New Zealand taariikhda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*