Madaxweynaha dalka Filibiin Rodrigo Duterte oo sheegay in qaxootiyaasha uu kusoo dhaweynayo dalkiisa

Rodrigo Duterte
Madaxweynaha dalka Filibiin Rodrigo Duterte. [Sawirka: Aljazeera]
Manila-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dalka Filibiin Rodrigo Duterte ayaa sheegay in uu qaadayo qaxootiyaasha caalamka xilli wadamo badan oo reer galbeed ah ay ka xirteen xuduudooda dadka u barakacay.

Qiyaastii 1.8 milyan dad ah ayaa noqday qaxooti bartamihii sanadkii lasoo dhaafay ee 2015-ka, sida ay sheegayaan haayadaha qaabilsan qaxootiyaasha.

Madaxweyne Rodrigo Duterte ayaa taleefishinka Al Jazeera u sheegay go’aanka uu ku soo dhaweynayo qaxootiyaasha imaanaya dalka Filibiin, dalkaas oo ay ku noolyihiin 100 milyan dad gaaraya fakhriguna uu yahay mid baahsan.

“Waxaan u dirayaa iyaga. Waanu aqbali doonaa iyaga. Waanu aqbali doonaa dhammaantood. Waa bini’aadam,” ayuu u sheegay Dutera Al Jazeera.

Dutera ayaa sheegay in dalalka reer galbeedka ay u muuqdaan kuwo gacan ka geysta xuquuqul iinsaanka laakiin ay taasi si dhaqso isu badalayso.

Tan iyo markii la doortay, Dutera ayaa kordhiyay awooda milatariga iyo booliiska dalka Filibiin.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*