Uhuru Kenyatta oo dib loogu doortay madaxweynenimada Kenya

Uhuru Kenyatta. [Xiashada Sawirka: AFP]
Nairobi-(Puntland Mirror) Madaxweynaha hadda jooga ee Kenya Uhuru Kenyatta ayaa la iclaamiyay in uu ku guuleystay doorashada madaxtinimada.

Sida ay iclaamiyeen Guddiga Doorashooyinka, Uhuru ayaa helay 54.27 boqolkiiba codadka doorashada halka ninka la loolamayay Raila Odinga uu helay 44.74 boqolkiiba. 

“Waxaanu sii wadi doonaa shaqada aanu bilownay,” ayuu yiri Kenyatta kadib ku dhawaaqista natiijada.

“Dadka Kenya waxay doonayaan anaga si ay u guulesytaan.” ayuu ku sii daray.

In ka badan 15 milyan dad ah ayaa dhiibtay codkooda iyaga oo u dhigma 78 boqolkiiba. 

Kenyatta, oo ah wiilka aabaha asaasay Kenya ayaa sanadkii 3013 loo doortay madaxweynaha Kenya, isaga oo noqday madaxweynihii abaid ugu da’ yaraa ee la doorto, hadda waxa uu dalkaas kuyaala Geeska Afrika hoggaamin doonaa shanta sanno ee soo socota. 

Mucaaradka oo qaadacay

Waxyar kahor intaan la iclaamin natiijada, xubnaha mucaaradka ayaa sheegay in ay qaadici doonaan natiijadda.

“Ma rabno in aan qeyb ka noqono doorashada. Arrimahayagii lagama hadlin,” Musalia Mudavadi, oo ah masuul sare oo katirsan Xisbiga Cusub ee Gaashaanbuursiga Qaranka (NASA), soona noqday madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya ayaa sidaa yiri.

Arbacadii, Raila Odinga, hoggaamiyaha wakhtiga dheer ee mucaaradka kaasoo markiisii afraad u tartamayay madaxtinimada ayaa qaadacay natiijada doorashadii Talaadada.

Waxa uu ku andacooday in hanaanka kumbuyuutarada ee codaynta la jabsaday oo la badalay natiijadda.

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*