Puntland oo heshiis la gashay shirkada DP World si ay u horumariso una maamusho dekada Boosaaso

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali iyo madaxa dekadaha iyo canshuuraha ee iskaashiga suuqa xorta ah ee shirkada DP World Suldaan Axmed Bin Suleymaan oo heshiiska ku kala saxiixday munaasabad ka dhacday gudaha magaalada Dubai. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Puntland]

Dubai–(Puntland Mirror) Puntland ayaa heshiis la saxiixatay shirkada DP World si ay u horumariso una maamusho dekada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali iyo madaxa dekadaha iyo canshuuraha ee iskaashiga suuqa xorta ah ee shirkada DP World Suldaan Axmed Bin Suleymaan ayaa heshiiska kala saxiixday, kasoo ka dhacay gudaha magaalada Dubai ee dalka Isutaga Imaaraatka Carabta maanta oo Khamiis ah.

Sida lagu sheegay bayaanka, DP World ayaa horumarin ku samayn doonta dekada Boosaaso oo ay ku baxayso kharash dhan $330 milyan labo sanno gudahood, sidoo kalena waxay maamuli doontaa dekada muddo soddon sanno ah.

Dekada Boosaaso ayaa ah il-dhaqaaleedka ugu weyn ee dowladda Puntland.

Shirkada ayaa qaadan doonta 60 boqolkiiba kharashka kasoo baxa dekada inta uu socdo wakhtiga heshiiska, sida masuuliyiin dowladda katirsan ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Shirkada DP World ayaa fadhigeedu yahay magaalada Dubai, waxayna kamidtahay shirkadaha ugu waa-weyn dunida ee maamula dekadaha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.

*