Madaxweyne Obama oo joojiyay kulan uu la yeelan lahaa madaxweynaha Filibiin Rodrigo Duterte kadib markii Madaxweynaha Filibiin ku tilmaamay Obama ‘wiilkii sharmuutada’

Rodrigo Duterte
Madaxweynaha dalka Filibiin Rodrigo Duterte. Sawirka: Reuters.

Washington-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Maraykanka ayaa joojiyay kulankii kowaad oo u la yeelan lahaa madaxweynaha dalka Filibiin Rodrigo Duterte, sida uu sheegay afhayeenka Aqalka Cad ee Maraykanka saacado kadib markii hoggaamiyaha Filibiin uu ku tilmaamay dhiggiisa Maraykanka hadalo edeb-darro ah.

Obama ayaa hadda ku sugan dalka yar ee koonfurta bari ee qaarada Aasiya wuxuuna kulamo la leeyahay hoggaamiyaasha wadamada koonfurta Aasiya.

Saacado sii horeeyay, ayaa madaxweyne Duterte ugu yeeray Barack Obama “wiilkii sharmuutada” isagoo sheegay in uusan Obama kala hadli doonin xuquuqda insaanimada, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee AFP.

Hadalada Duterte ayaa yimid iyadoo kulan uu la yeelan lahaa madaxweynaha Maraykanka Obama, kulanka ayaa la filayay in diirada lagu saaro dagaalka uu madaxweyne Duterte kula jiro daroogada ee gudaha Filibiin, kaasoo kalaaftay in ka badan  2,400 nafood intii lagu guda jiray labadii bilood ee lasoo dhaafay.

“Waa in aad xushmaysaa. Kaliya ha iska tuurin suaalo iyo bayaano. Wiilkii sharmuutadow, waxaan kugu nacaladi doonaa shirka dhexdiisa,” Dutere ayaa sidaa ku yiri shir saxaafadeed wax yar kahor inta uusan u duulin dalka Laos si uu uga qaybgalo shirka Obama iyo hoggaamiyaasha wadamada Koonfurta Aasiya.

Maraykanka iyo Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay dilalka ay dowlada uu Madaxweyne Dutere hoggaamiyo ay u geysatay dadka daroogada ka shaqeeya, iyadoo ciidamada booliiska Filibiin ay howlgalo looga soo horjeedo daroogada ku dileen in ka badan 2,400 oo qof labadii bilood ee lasoo dhaafay.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*