Ciidamada Puntland iyo Somaliland oo madaafiic isku-weydaarsaday deegaanka Tukaraq

Gaari tikniko ah oo ay leeyihiin ciidamada Puntland. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland ee ku sugan deegaanka Tukaraq ayaa maanta oo Khamiis ah is-weydaarsaday madaafiic, sida ay wararku sheegeen.

Ilo-wareedyo katirsan ciidamada Puntland ayaa bog wareedka Puntland Mirror u sheegay in ciidamada Somaliland ay dhowr madfac ku soo rideen dhankooda, halka iyana ay ka jawaabeen oo dib ugu ganeen madaafiic kale.

Ma jirto wax khasaare ah oo ka dhashay is-weydaarsiga madaafiicda maanta, sida ay ilo-wareedku sheegeen.

Puntland iyo Somaliland ayaa ciidamadoodu dagaalo ku dhexmareen deegaanka Tukaraq sanadkii lasoo dhaafay.

Labo dagaal oo dhacay bishii May ee sanadkii 2017 ayaa dhaliyay khasaraaha tobonaan ciidan oo katirsanaa labada dhinac.

Labada dhinac ayaa ciidamadoodu isku hor-fadhiyeen deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool tan iyo xilligaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*